Skip Header
Shape your future.
START HERE.

Shape your future.
START HERE.

Habkan waa mid kooban oo ah turjumaadda 2020census.gov. Guji halkan si aad ugu noqoto habka caadiga ah ee ku qoran afafka Ingiriiska iyo Isbaanishka.

Tirakoobka 2020 | Xafiiska Tirakoobka Mareykanka

#008556
DADKA LA SII WADAAG:

Waa maxay Tirakoobku?

Tirakoobka 2020 waa tirin lagu sameeyo dadka ku nool Mareykanka qof-weyn, nuunne, iyo ilmo. Tobankii sanaba mar ayaa tirinta waxaa sameeya Xafiiska Tirakoobka Mareykanka, oo ah hay'ad dowladeed.

An overhead look at a suburban community.
#9B2743

Sida looga Jawaabayo Tirakoobka 2020

Hal qof oo ku nool guri kasta ayey khasab ku tahay in uu tirakoobka uga jawaabo intarnetka, taleefanka ama waraaqo. Qof kasta oo ku nool ciwaankan tiri—ku dar wixii ah nuunne hadda dhashay, ilmaha kale, iyo saaxiib ama xubno qoys oo kale, dadka badanaa gurigan idin kula nool oo idiin soo hoyda.

Haddii uu jiro qof idinla joogay 1-da Abriil, 2020 balse aan ka dib haysan meel si joogta ah loogu noolaado, qofkaas adigu tirada ku darso.

Caawimaad ma u Baahan Tahay?

Caawimaad ayaa laguu diyaariyey haddii aad su'aalo ka qabto sida aad uga jawaabeyso Tirakoobka 2020. Isticmaal hoggaanka hoose oo ah fiidiyow si aad intarnet ahaan jawaabahaaga ugu buuxiso Tirakoobka 2020 ama isticmaal hoggaanka daabacan oo ah su’aalo waraaq ku qoran. 

Hoggaankaaga Tirakoobka 2020

Akhriso tilmaamaha sida looga jawaabayo su’aalaha waraaqda ku qoran.

Download PDF

#007E8F

Muxuu Muhiim u Yahay

Tirakoobka waxaa laga helaa xog muhiim ah oo saameyn ku yeelan karta qeybo badan oo noloshaada ka mid ah. Sharci-dejiyeyaasha, milkiileyaasha meheradaha, macallimiinta, iyo meelo kale ayaa isticmaala xogtan maalin kasta si ay deegaanka aad ku nooshahay ugu sameeyaan adeegyo, waxyaabo kale iyo taakuleyn.

Component ID: #ti802827923

Sannad kasta, balaayiin doolar oo ah maalgelinta faderaalka ayaa lagu kharash gareeyaa isbitaallada, waaxyaha dabdamiska, iskuullada, jidadka, iyo waxyaabo kale iyadoo lagu saleynayo xogta tirakoobka.

Component ID: #ti754831637

Natiijada tirakoobka ayaa lagu go'aamiyaa tirada kuraasta gobolka u galeysa Koongareeska, oo waxaa kale oo lagu calaamadiyaa xuduudaha codeynta ee degmooyinka.

Component ID: #ti755639802

Tirakoobka waa shuruud uu u baahan yahay Dastuurka Mareykanka: Qodobka 1-aad, Farqaddiisa 2-aad, oo dowladda Mareykanka ayaa waajibisay in 10-kii sanaba mar la sameeyo tirin dadweyne. Tirintii ugu horreysay waxaa la sameeyey 1790.

#205493

Arrimaha Shakhsiga ah iyo Ammaanka

Jawaabahaaga waxa keliya oo loo isticmaalayo waa tirakoobyada.

Woman smiling and using her phone while holding her baby.

Xafiiska Tirakoobka sharci ahaan ayaa looga baahan yahay dhowridda jawaabaha dadka iyo in ay ka dhigaan wax si adag qarsoodi u ah. Xaqiiqadii shaqaalaha oo dhan ayaa lagu dhaariyaa in ay dhowraan wixii warbixin shakhsi ah noloshooda oo dhan.

Sida uu dhigayo Sharciga 13 ee Mareykanka, Xafiiska Tirakoobka ma bixin karo macluumaad dadka lagu aqoonsan karo hadday noqon lahayd gurigaaga, ama meheraddaada, oo xataa booliska uma gudbin karaan. Sharciga ayaa kuu xaqiijinaya in la dhowri doono xogtaada gaarka ah iyo in aysan hay'ad dowladeed ama maxkamad jawaabahaaga marna adiga kuu isticmaali karin.

#008556

Tirakoob Qaadeyaasha Xaafaddaada

Sannadka dambe waxaad xaafaddaada ku arki doontaa tirakoob qaadeyaal.

Close-up of a census taker's hand holding a mobile phone.
Component ID: #ti1619144085

Waa qeyb ka mid ah hawsha Tirakoobka 2020. Waxaad arki doontaa shaqaalaha tirakoobka oo deegaankaaga imaanaya sababo dhowr ah oo kala duwan awgood:

  • Waxa ay xaqiijinayaan ciwaanno iyagoo isu diyaarinaya tirakoobka.
  • Waxa ay soo booqanayaan guryo tirakoobka awgiis ama daraasadeyn kale ayey u sameynayaan Xafiiska Tirakoobka.
  • Waxa ay keenayaan macluumaad ku saabsan tirakoobka.
  • Waxa ay xaqiijinayaan hawl la xiriirta tirakoobka.

Bisha Meey ee 2020, tirakoob qaadeyaasha waxay bilaabi doonaan booqashada guryaha aan ka soo jawaabin Tirakoobka 2020 si ay u hubsadaan in qof kasta tirada lagu daray.

#9B2743

Sida Aad Noo Caawin Karto

In 2020 la helo tiro buuxda oo sax ah waxa ay qof kasta uga baahan tahay taageero, waxaase jira siyaabo kale oo ay noo caawin karaan dadka, meheradaha, ururrada deegaanka, iyo meelaha kale.

Component ID: #ti174861832
Component ID: #ti354636796

Dadka oo Loo Sheego

Waxaad nagu caawin kartaa in aad akhbaarta iyo macluumaadka Xafiiska Tirakoobka adiguna baraha bulshada kula sii wadaagto asxaabtaada, qoyskaaga iyo xiriirradaada Facebook, Twitter, iyo Instagram.

Component ID: #ti69171985
Component ID: #ti2136903053
Component ID: #ti737036178

Iskaashi Nala Yeelo

Shirkadaha waaweyn, ururrada aan macaashka ku shaqeyn, hawl-wadeenka siyaasadda, iyo shakhsiyaad caadi ah ayaa dadka u sii sheegi kara Tirakoobka 2020 iyo sababta uu muhiim u yahay in laga qeybqaato.

Component ID: #ti1414425379
Component ID: #ti610670391
Component ID: #ti1582119665

Nala Shaqee

Waxaan shaqaaleyn doonnaa kumannaan dadweyne oo ku nool waddanka oo dhan si ay noogu caawiyaan Tirakoobka 2020. Lacag dheeraad ah shaqeyso adigoo caawinaya deegaankaaga.

X
  Is this page helpful?
Thumbs Up Image Yes    Thumbs Down Image No
X
Comments or suggestions?
No, thanks
255 characters remaining
X
Thank you for your feedback.
Comments or suggestions?